AKHRISO:-Al-Shabaab Oo Lagala Wareegay Deegaano Cusub Oo Ka Tirsan G/Hiiraan

0

Kooxda Macwiisleeyda ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada deegaannada Bari ee Gobolka Hiiraan ayaa Al-Shabaab kala wareegtay deegaanno dhowr ah oo horay ay gacanta ugu haayeen.

Deegaanada ay ciidankaasi Al-Shabaab kala wareegeen waxaa kamid ah Hees Oroton iyo Madhooy oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo muddoyinkan dambane Al-Shabaab ay maamulayeen.

Taliyaha Kooxda la magac baxday Macwiisleyda Cabdiqaadir Axmed Maxamuud oo loo yaqaano (Bilig Bilig) ayaa sheegay in Al-shabaab kala wareegeen deegaano dhowr ah.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidanka xoogga dalka iyo AMISOM in ay garab siiyaan dadka deegaanka ee iskood isku abaabulay oo gar waaqsaday in ay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab dagaal la galaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan howlagllo kala duwan ka sameeyay deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Bula Burte iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.