Warshad ku taalla Iiraan ayaa soo saareysa calamada Mareykanka, Isra’iil iyo Ingiriiska si ay u gubaan dibad-baxayaasha reer Iiraan.
Warshadan oo ku taalla magaalada Khumeyni oo koonfur galbeed kaga beegan caasimadda Iiraan ee Tehraan ayaa soo saartay in ka badan 2,000 oo calamada Isra’iil iyo Mareykanka ah.
Xiisadda colaadda ah ee u dhaxeysa Iiran iyo Mareykanka ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay abid tan iyo markii uu Mareykanku duqeyn ku dilay sarkaal sare oo kamid ah milatariga Iiraan bishii Janaayo saddexdeeda ee sannadkan.
Mudaaharaadayaal ay maal-geliso Dowladda Iiraan ayaa si joogto ah u guba calamada Isra’iil, Mareykanka iyo kan Ingiriiska.
Qaasim Qanjaan oo ah milkiilaha warshadda soo saarta calamada ayaa yiri sidan “Dadka Ameerikaan ah iyo kuwa Isra’iiliyiinta ah kama cabaneyno, balse waxaa ka cabaneynaa dowladahooda iyo madaxdooda iyo siyaasadaha xun oo ay ku dhaqmaan”.