Gudoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka qaybgalayaan shirka sanadlaha ah ee midowga baaralaanada ururka iskaashiga islaamka ee loo soo gaabiyo (PUIC), kaas oo maanta ka furmaya magaalada Ouagadougou oo ah caasimadda dalka Burkina Faso ee galbeedka Afrika.
Shirkan oo sanadkiiba mar ay iskugu yimaadaan baarlamaanka wadamada ku bahoobey OIC iyo PUIC, oo sanad waliba lagu qabto mid ka mid ah caasimadaha wadamada xubnaha ka ah Ururkan ayaa waxaa sanadkii hore lagu qabtay Casabalanca oo ah caasimadda dalka Morocco.
Ajendaha shirka ayaa ah in lagu falanqeeyo, laguna difaaco danaha wadamada islaamka ah ee dunidan ku dulman.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya dhamaan wadama carbeed, qaar ka mid ah wamada qaaradda Afrika, qaarka mid ah wadamada Latin-America, dalalka Turkiga iyo Iran.
Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Burkina Faso, waxaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato madaxda ka qeyb galaysa shirka maanta ka furmaya dalkaas. Waxaana lagu wadaa in gaba-gabada shirkan war-murtiyeed laga soo saaro.