Sheekh Shaakir iyo musharaxiinta madaxtinimo ee Galmudug oo kulan aan caadi ahayn ku yeeshay Dhuusamareeb

0

Qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha ee maamulka Galmudug ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Dhuusamareeb madaxa xukuumada galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa ay uga wada hadleen sidii loo dhammayn lahaa khilaafka hareeyay maamulka Galmudug iyo sidii loo dhisi lahaa maamul cusub ay yeelato Galmudug.

Musharaxiinta iyo madaxa xukuumadda ayaa isku afgartay in laga wada shaqeeyo nabada iyo midnimada Galmudug,waxaana xusid mudan in musharaxiintu aysan ka qayb geli doonin doorashada la qaban doono haddii ay ka maqan yihiin xubnihii xildhibaannada ahaa ee ay soo xushay Ahlu-Sunna.