Maamulka HirShabelle Oo Baaq Kasoo Saaray Doorashada Galmudug

0

Maamul goboleedka HirShabelle ayaa baaq kasoo saarey khilaafka kasoo cusboonaadey doorashooyinka Galmudug.

Cusmaan Cabdullaahi Dhoore, wasiir ku xigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, ayaa dhinacyada ku booriyey dulqaad.

Xildhibaan Dhoore ayaa sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay xal deg-deg ag ka dhalisay muranka taagan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, mudanaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyaddoo shaqadu dhamaad tahay uu khilaaf yimaado.

Doorashadda madaxtinimada Galmudug ayaa in laga cabsi qabaa in ay ku timaado dib-u-dhac maadaama aysan muuqan saan-saan fiican.