Guddoonada labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka Dowlad gobaleedka Galmudug oo maanta lagu doortay magaalada Dhuusa-mareeb.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Maxamed Mutual Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u hambaleeyay guddoomiye Maxamed Nuur Galaxy iyo Kuxigeenadiisa ,isagoo u rajeeyay in eebe uu ku guuleeyo xilka loo igmaday.
Sidoo kale gudddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey guddoonka baarlamaanka Galmudug.
Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in la qabto doorashada madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug.