Muqdisho, Somalia – Waxaa guddi ka socda Xafiiska Guddoonka Maxkamada Gobolka Banaadir ku guuleysteen dib u soo celinta lacag gaareysa $4,000 oo ay la heyd Haweeney u dhalatay Dalka Tajakistan oo howl caafimaad ka waday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Haweeneydan oo lagu magacaabo oo ilmeneysa ayaa u mahad celisay Maxkamada Gobolka Banaadir, kadib markii lagu wareejiyay lacagtii ay xaqa u la heyd ee la isku dayay in la duudsiiyo.
Waxaa fariin mahadcelin gaar ah ay u dirtay Guddoomiyaha Maxkmada Gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed, kaasi muddo 7 todobaad gudaheed uga jawaabay cabashada Xafiiskiis ay soo gaarsiisay Haweeneydan.
Guddoomiye Muuse Macalim Maxamed ayaa waxuu sheegay in Maxkamada Gobolka Banaadir aysan marnaba u ogolaan doonin cadaallad darro, waxuuna xusay in Xafiiskiisa ka yahay u adeegida Bulshada.
“Dib u soo celin lacagtii ay la heyd Haweeneydan waa fariin ku socota qof walba oo damca xaquuq uusan la heyn, waxaa naga go’an in aan ugu adeegno bulshada si siman”, sidaasi waxaa yiri Guddoomiye Muuse.