Ciidamada dowladda ee sida gaarka ah u tababaran ayaa xalay howlgal qorsheysan oo gaar ahaa ka fuliyay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo howlgalkaas lagu qabtay dad.
Howlgalkan ayaa laga sameeyay guryo ku yaalla Xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley), waxaana howlgalkan la sheegay in ciidamada ku galeen guri bartilmaameed ahaa.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayeen dhawaaqa qaraxyo ay adeegsadeen ciidanka oo ay albaabada ku furanayeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ay qarxiyeen waxyaabaha qarxa oo ay ka heleen guri, iyagoo markii dambe ay qarxiyeen.
Howlgalkan lagama haayo wax faah faahin ah, iyadoo xilliga howlgalka la fulinayay ay aheyd xilli habeenimo ah.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha Ammaanka oo ku aadan howlgalka gaarka ah ee xalay laga fuliyay xaafado ka tirsan Muqdisho.