Mustafe Cagjar oo War Cusub kasoo Saaray Xadhiga Wariye Coldoon iyo Xaaladiisa

0

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalak Ethiopia Mustafe Maxamed Cagjar ayaa ka hadlay Xaalada Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo in Muddo ah u xidhan Somaliland, Wuxuuna sheegay inuu Madaxwayne Biixi kala hadli doono Sidii Xoriyadiisa loogu soo celin lahaa.

“Xukuumadda deegaanku waxay isku dayaysaa markale inay kala hadasho, madaxwayne muuse biixi iyo xukuumada uu hogaaminayo somaliland. Samafale abdimaalik muuse siduu xoriyadiiisa Uu u heli-lahaa! Abdimaalik sheikh muuse Waa Astaan Somaali kadhaxaysa.” Ayuu yidhi Madaxwayne Mustafe Cagjar.

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa lagu xasuustaa siduu u garab istaagay Dadka Soomaali Galbeed Xiligii ay ku jireen Halgankii looga soo horjeeday Maamulkii Cabdi iley eeGumaadka iyo Xadhiga ku hayey dadka Soomaaliyeed eek u dhaqan halkaasi.

Waxaana Madaxwayne Mustafe Cagjar uu Casuumad u fudiyey Markii uu Xilka Qabtay Wariye Coldoon oo Magaalada Jigjiga ku Booqday, waxaana Coldoon la xidhay markii uu dib ugu soo noqday magaalada Burco.

Bishii aynu soo dhaafnay waxaa Coldoon oo xidhan Wiil ugu dhashay magaalada Burco, Weli Wakhtigu uma Saamixin inuu ka Kulmo Wiilkiisa Dunida ku cusub iyo Qoyskiisa,  waxaa sidoo kale Coldoon uu hada Xabsiga uu ku xidhan yahay ku Caawiyaa dadka Maxaabiista ah, Isagoo Bara Qur’aanka, Carabiga iyo Axaadiista.