Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay taariikhda waxaa ay yeelaneysaa Sharciga duulista rayidka,kaas oo Soomaaliya aysan waligeed yeelan laga soo bilaabo sanadkii 1960-kii.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin ayaa sheegay in Soomaaliya aysan waligeed yeelan sharci wax walba u dhameysiran yihiin oo ku saabsan duulista Rayidka,hayeeshee mid kooban oo uu soo saarey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, iyada oo aan la ansixin ay dowladii ku dhacday.