Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerar qorsheysan oo ay fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose ay ku dileen in ka badan 30 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Weerarka, oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan guutada kumaandooska xoogga dalka ee Danab, gaar ahaan Guutada 16-aad, ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Baloow Eylo oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Taliyaha guudata 16-aad, ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta ciidamadda qalabka sida u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheeysan, isla markaana xubnaha Shabaabka ah ee lala beegsaday ay diyaarinayaan gaadiid qaraxyo ah oo ay doonayeen inay ku soo weeraraan sida uu sheegay Muqdisho.
“Waxaa howl-galka lagu dilay ugu yaraan 30 maleeshiyo oo Shabaab ah oo ay ku jriaan saraakiil sare, waxaana gabi ahaanba burburay gaadiidkii ay qaraxyada ku diyaarinayeen iyadoo qof shacab ah aysan waxyeello ka soo gaarin” Ayuu yiri Taliye Ismaaciil.
Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah howl-gallo ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ku todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.