Maxkamada Ciidamada oo 9 ruux xukuno dil iyo xabsi isugu jira ku ridey

0

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku ridday 9 eedeysane oo lagu eedeeyay in ay dilal ka geysteen Muqdisho iyo in ay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al shabaab.

Dadka xukunada lagu ridey oo mid ka mid ah waxa ay tahay dumar iyadoo qaar kalana lagu ridey iyagoo maqan.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaale dhexe Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay Xukunnada kala duwan oo kala ah ayaa sheegay in Saalim Siciid Maxamed, Maxamed Xaaji Axmed, Axmed Maxamed Haashim oo maxkamadda joogay lagu lagu xukumay dil toogasho ah.

Sidoo kale Sharma’arke Cumar Axmed, Axmed Faarax Iidle, C/Raxmaan Sh. Cabdullahi, Ramadaan C/Rixiin Mursal oo maxkamadda ka maqan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Ugu dambeyntii waxa ay maxkamadu ku xukuntay 15 sano oo xarig ah Faadumo Xuseen Cali Caddaawe oo maxkamadda joogtay halka C/Naasir Axmed C/qaadir oo maxkamadda ka maqan lagu xukumay xabsi daa’in.

Eedaysanayaashaan ayaa Maxkamada Ciidanka qalabka sida ku eedaysay dilal qorshayn oo loo gaystay Nabadoono ,Saraakiil Boolis iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya.