Akhriso:-Qodobo Laga Soo Saaray Heshiiskii Beelaha Ku Dagaalamay Mudug

0

Taliyaha qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya Gen: Cabdicaiis Cabdullaahi Qooje iyo Saraakiil kale ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu dhameystirayo heshiisyadii ay horey u gaareen Beelihii ku dagaalamay deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Bariga Gobolka mudug.

Kulankaan ayaa ka dhacay degaanka Towfiiq, waxaana goobjoog ka ahaa Odayaasha Dhaqanka Labada dhinac, Guddiyadda isku dhafka ah ee Labada dhinac, xubno ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa inta uu socoday waxaa la soo saaray Qodobo lagu xoojinayo Heshiiskii horey u dhexmaray Odayaasha labada dhinac deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo,

Hoos ka Akhriso Qodobada lagu lagu xoojinayo Heshiiskii hore.

1.in la fuliyo Dhamaan Qodoba ku xusan Heshiiska ay wadda Saxiixdeen Walalaha ah Ee Colaadu dhexmaratay (Saleeman Cabdalle iyo Ree Nimcaale) Ee ku Taarikheysab 18/December/2019 Ee ka dhacay Af-barwaaqo,

2.Gudigu wuxuu doortay Shir gudoon, waana inuu qaab-dhismeedkiisu dhameys tirmaa

Mudda 4-ta bari ah ee uu shirku socdo Dowladda Faderalka Somaliya waxaa laga rabaa inay tayeyso Gudiga isku dhafka ah si ay u dar wargaliyaan Nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta Beelaha Walaalaha ah,

  1. In wadda hadaladu Sii socdaan,
  2. in wadda hadal lagu dhameeyo, xal waarana laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro Shirarka soo socoda,
  3. In guddiga isku dhafka ah ee Odayaasha Labada Beelood gacan siiyaan Ciidanka Xooga DS si ay u fuliyeen Heshiisyadda Nabadeed,

6 in Odaygii uHogaansami waaya Heshiisyada Nabadda ay CXDS tilaabo adag ka qaadi doonaan,

7 in Gogasha xigta la dhigo Magaalada Gaalkcyo 5-ta February/20120 ayna fududeyso Dowladda Somaliya.