AKHRISO:- Wada-hadallo Hoose oo u socda Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna

0

Hoggaanka sare ee Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug ayaa dhawaan qaadacay guddiga farsamada iyo dhismaha Maamulka Galmudug oo ay dhawaan Magacaawday Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya,waxaana taasi ay sababtay in xubnaha Guddiga oo Muqdisho ku sugan aysan weli tegin Magaalada Dhuusamareeb.

Shalay oo Isniin aheyd ayaa la filayey in Xubnaha guddiga oo ka kooban 13 Xubnood ay tagaan Dhuusamareeb,hayeeshee ay ka baaqsadeen sababo la xiriira in weli Ahlusunna aan lagu qancin guddiga ay dowladda Magacaawday.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xukuumadda Somaaliya iyo Ahlusunna uu u socdo wada-hadallo Hoose,isla markaana dowladda ay Ahlusunna u soo jeedisay in Gudiga loogu biiriyo 5 Ilaa 6 Xubnood oo ka dheeri ah 13kii Xubnood ee horay loo Magacaabey.

Dhinaca hoggaanka sare ee Ahlsunna ee ku biiray Galmudug ayaa ilo xog-ogaal ah waxaa ay sheegeen inay doonayaan in la fuliyo heshiiskii hore ee ahaa in Guddiga Ahlusunna laga siiyo 6 Xubnood halka Dowladda ay qaadato 7 Xubnood.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo uu tago Magaalada Dhuusamareeb si Ahlusunna loogu qanciyo sida ay dooneyso dowladda Federaalka.