Boostada Soomaaliya waxay ka da’ weyn tahay gobannimada Soomaaliya.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa bilawday Horumarinta boostada iyo isgaarsiinta ee waddanka markii ugu horaysay in kabadan labaatan sanno.

Adeega boostada ayaa baaba’ay markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991dii.

Boostada Qaranka Soomaaliyeed waxay ka mid ahayd waaxyaha ugu muhiimsan Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Taariikh ahaan waxaa adeegga boostada qaranka ka shaqeyn shaqaale u dhexeeyay 1600 illaa 2,200 oo ku kala baahsanaa dalka oo dhan, sida ay qorayaan tirakoobyadii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay shaqaalaheeda.

Waxay adeegyadeeda gaari jireen guud ahaan dalka iyo dalalka caalamka oo dhan.

Hase yeeshee, dhammaan kaabayaashii adeegyada boostadu waxay la burbureen dawladnimadii, iyadoo si rasmi ah hawlaheeda u hakisay bishii Oktoobar sanadkii 1991-kii.

Wixii markaas ka dambeeyay, shacabka Soomaaliyeed waxay adeegsan jireen qaabab aan casri ahayn oo ay warqadaha isku dhaafsan jireen.
Hase yeeshee, Wasaaradda ayaa dib u soo celisay adeeggii boostada bishii Nofembar 2013, si shacabka Soomaaliyeed looga haqabtiro adeegga boostada.
Waxaa hadda socda dadaallo lagu sii ballaarinayo adeegga boostada si uu u gaaro shacabka iyo dalka oo dhan, iyadoo dadweynaha loo fududeynayo qaabkii ay wax ugu dirsan lahaayeen boostada qaranka.

Boostada Qaranka Soomaaliya waxay xubin ka ahayn Midowga Boostada Caalamiga
(UPU) tan iyo sanadkii1959-kii, taasoo muujineysa in Boostada Soomaaliya ka da’ weyn tahay gobannimada Soomaaliya.

Siyaasi: Siciid Cali axmed Qurbaawi

Xisbiga Hiigsi Qaran(Somalia)

Allah Mahad leh