Ciidamada ammaanka Somaliland oo xiray Xarunta Horyaal TV ee Hargeysa

0

Ciidamada ammaanka Maamulka Somaliland ayaa caawa xiray Teleefishinka Horyaal xaruntiisa Magaalada Hargeysa.

Maamulka Teleefishinka ayaa sheegay in Ciidamada kolkii ay tageen xarunta Horyaal TV ay shaqaalaha ku amreen in ay ka baxaan dhismaha Teleefishinka oo ay xireen.

Sidoo kale Shaqaalaha waxaa la amray in aysan qaadi Karin agabka uu leeyahay Teleefishinka, ciidamada dhismaha TV-ga galay kaliya ay ku sugnaan karaan xarunta.

Madaxda Horyaal TV waxa ay sheegeen in aysan jirin warqad lagu wareejiyay oo lagu xirayo Teleefishinka, balse saraakiisha Ciidamada hogaaminayay ay u sheegeen howlwadeenada qaarkood in ay wataan warqadda ay ku xireen xarunta.

Siciid Faarax Cagjar oo kamid ah madaxda Horyaal TV ayaa  waxa uu dalbaday in xarunta Teleefishinka laga dulqaado Ciidamada, isla markaana loo ogolaado in ay sii wataan shaqada xaruntooda.

Waa uu sii hadlay waxa uu shaaciyay in aysan jirin sabab rasmi ah oo loo sheegay illaa iyo iminka, balse ay tuhmayaan Barnaamij ay ka sameeyeen Walxaha Maanka dooriya oo kusii kordhaya Magaalada Hargeysa oo ay baahiyeen.

Hay’adaha ammaanka Somaliland wali kama aysan hadlin go’aanka ciidamadooda ay kula wareegeen Xarunta Teleefishinka Horyaal ee Magaalada Hargeysa.