DHAMBAAL TACSIYADEED:- Innaa Lillaahi, Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (WiilWaal).

0

Innaa Lillaahi, Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Allaha u Naxariisto Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (WiilWaal) oo xalay ku geeriyooday magaalada Venlo ee dalka Holland.

Dhamaan Bahwrynta Allaglgaduud Media, maamulka iyo hawl-wadeenada Anaga oo ka tiiraanyoonaya geeridan naxdinta iyo xanuunka badan leh ee ku timid Allaha u Naxariistee
Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (WiilWaal), waxaan dhambaal tacsiyadeed oo tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan reer Jaamac Maxamed Diini Axmed iyo Reer Maxamed Jaamac (WiilWaal), Xaaski, Caruurti iyo Asxaabtii uu  ka baxay Allaha u Naxarsiitee Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (WiilWaal) .

Waxaan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryayaa in uu dhamaanteen samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (WiilWaal), waxaa sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryayaa inuu Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (WiilWaal) Janadii Fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin