DHAGEYSO:-Madaxweyne Xaaf Oo Ka Hadlay Doorashada Galmudug Iyo Go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa maanta waxa uu gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Gal-gaduud halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen qaar ka mid ah madaxda maamulkaas.

Axmed Ducaale Gelle ayaa ka hadlay safar uu uga maqnaa deegaanada maamulka Galmudug isaga oo faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii u soo qabsoomay isaga oo aad uga hadlay xaladda Galmudug.

Go’aankii ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda fedraalka Somalia ee aheyd in doorashada madaxtinimo ee maamulka Galmudug ay ku dhaceyso wakhtigii loogu talagalay ayuu si kulul uga hadlay madaxweyne Xaaf.

Isaga oo ka hadlayay arrintaas ayuu sheegay in Galmudug aysan aheyn maamul cusub oo hadda la dhisayo isala markaana aan loo baahneyn in wasaaradda arrimaha gudaha ay ka hadasho doorashada iyo sida ay ku dhaceyso.