Wasiirka shaqada XFS oo khudbad ka jeedinaya shir weynaha shaqaalaha Adduunka ee ka dhacaya Geneva

0

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, halkaa oo ay uga qeybgeli doonaan shir weynaha shaqaalaha Adduunka.

Safarkan uu Wasiirku ku tagaya Magaalada Geneva ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka socda Ururrada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha Soomaaliya, si ay halkaasi ugu soo bandhigaan baahiyaha shaqo ee Dalka ka jira.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan oo heer Madaxweyne ah kana kala socda Dalalka caalamka, ayaa lagu wadaa inuu Wasiir Warfaa ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saari doono shaqo la’aanta ka jirta Dalka iyo sidii looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaaddiniinta.

Wasiirka ayaa sababta ay ahmiyadda u siinayaan qodobbadaasi ku ku sheegay in la xalliyo shaqo la’aanta iyo shaqo yarida haysata bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in Dhallinyarada shaqooyin loo abuuro.

“Shirka aan u tageyno Geneva anniga iyo wafdiga aan hoggaaminayo waa mid muhiimad inoo leh, waxaan haddana gudbiyay codsi Dalkeenna muddo fara badan ma uusan bixin Lacagta xubin-nimada ee Ururka oo Sanad walba looga baahanyahay inay bixiyaan Dowladaha , waxaan codsannay in maaddama Dalkeenna uu dhibaato badan ku jiray in Lacagta laga cafiyo , si aan u helno codka aan ku lahayn .” ayuu yiri wasiir Sadiiq.

Wasiirka ayaa sheegay inuu dedaal badan ku bixinayo sidii Soomaaliya ay dib ugu soo ceshan lahayd codka ay ku lahayd Ururka shaqaalaha adduunka, wuxuuna inta ku daray inuu kulan doceedyo la qaadanayo madaxda shirka ka qeybgalaya si loo helo barnaamijyo u sahlaya Bulshada Soomaaliyeed inay shaqooyin ku helaan Dalka.

Shir weynaha shaqaalaha adduunka ayaa Geneva ka furmaya Tobanka June, wuxuu soconaya illaa 21 -da Bishan,iyadoo shir weynaha shaqaalaha Adduunka uu u dabaal-deggayo Sannad-guurradii Boqolaad.

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa casuumad rasmi ah ka helay wasiirka dhaqaalaha iyo horumarka Dowladda Jarmalka oo ay ka wada-hadli doonaan kor u qaadidda xirfadda Gacanta iyo sidii arrinta ay Dowladda Jarmalka uga caawin lahayd Soomaaliya, waxaana Wasiirka uu booqasho ku tegi doonaa Magaalada Bonn ee Dalka Jarmalka.

Wasiir Sadiiq Warfaa, ayaa sidoo kale sheegay inuu wada-hadalka uga faa’iideysan doono sidii Dowladda Jarmalka ay uga caawin lahayd Soomaaliya in dib loo furo Iskuulkii farsamadda Gacanta ee Muqdisho iyo sidii loo dhisi lahaa Machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed inay  u istaagaan sidii Dalkeenna ay si wada-jir ah ugu dhisi lahaayeen, iyagoo xoogga saarayo waxyaabaha ka dhaxeeya Bulshada.