Hay’ada Save The children oo sheegtay in malaayiin caruur ah ay la degeen dagaaladdii Africa

0

Caruur lagu qiyaasay 960 million ayaa la dhacay caruurnimadoodii maanta iyadoo ay u wacanyihiin, dagaaladda, guurka xilliga hore ah, waxbarashadda oo laga saaro iyo arrimo kale oo dhowrn.

Caruurta ayaa dhibtaado baaxad weyn qaba xitta iyadoo horumar la sameeyay 20 kii sano ee u dambeeyay, sida ay sheegtay heey’adda caalamiga ah oo gar-gaarka ka shaqaysa.

Warbixin sanadeedkeeda oo ay Talaadadii daabacday Save the children ayey ku sheegtay in xaaladaha guud ee caruurta la horumariyay 173 oo ka mid ah 176 dal oo qiimeeyn lagu sameeyay tan iyo sanadkii 2000.

Laakiin mid ka mid ah Afartii caruur ah ee ka hooseeya da’da 18 ayaan weli aan heeysan xaqii ay u lahaayeen, ammaan iyo caafimaaad caruurnimadooda, sida lagu sheegay warbixinta save the children.