DEG DEG:- Ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar oo Rasaas xoogan isku dhex weydaarsaday Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ay is rasaaseyn ku dhex martay ciidamo kala taabacsan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Afhayeenkii hore ee Jubbaland Cabdinaasir Seeraar.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa kadib markii ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo diyaaradda Blue Sky oo ay saarnaayeen rakaab uu kamid ahaa Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax.

Waxaa durba garoonka soo gaaray ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kuwaas oo ka dalbaday Cabdinaasir Seeraar inay baaraan BOORSOOYINKIISA, Cabdinaasir Seeraar ayaa waxa uu ka biyo diiday gabi ahaan inay baaraan ciidamadaas.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedkeena ku sugnaa goobta waxaa fooda isdaray ciidamada Axmed Madoobe iyo ciidamo doonayay inay soo galbiyaan Cabdinaasir Seeraar, waxaana gudaha Garoonka ka biloowday Rasaas xoogan oo aan la ogeyn qasaaraha ay reebtay.

Dhinaca kale Ciidamada Amisom ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayaan haba yaraato’e wax faragelin ah ku sameyn labadan ciidan ee rasaasta isku dhex weydaarsaday gudaha Garoonka.

Isku soo wada duuboo Cabdinaasir Seeraar iyo ciidamadii galbinayay ayaa garoonka ka baxay iyagoo u ruqaansaday dhanka gudaha magaalada iyada oo aan la baarin BOORSOOYINKA Cabdinaasir Seeraar, waxaan la ogeyna in ciidamadan rasaasta isku weydaarsaday gudaha Garoonka in ay mar labaad isku fara saari doonaan gudaha magaalada Kismaayo.