HAMBALYO:- Ramadaan Kariim Dhamaan Soomaaliweyn. “Marxab Marxab Yaa Ramadaan”.

0

Anagoo ah Maamulka Iyo hawlwadeenada Warbaahinta Allgalgaduud Media, waxaan halkaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Akhristeyaasheena ugu Hambalyeynayaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan meel walba oo ay dunida daafaheeda ka joogaan.

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed oo dhan aan leenahay Ramadaan Kariim.

Bisha Ramadaan sifaha iyo faa’idooyinka ay leedahay waxaa ka mid ah:

A) Waa Bisha Naxariista iyo Sadaqada
B) Waa Bisha Cibaadada iyo Dambi dhaafka
C) Waa Bisha Cadaab ka xoreynta Adoomaha
D) Waa Bisha Qur’aanka Kariimka uu soo degay
E) Waa Bisha ay ku dhex jirto Habeen ka khayr badan kun Habeen
F) Waa Bisha Shayaadiinta la xirxiro
G) Waa Bisha Albaabka Janada la furo
H) Waa Bisha Albaabka Naarta la xiro

Haddii aan nahay Bahweynta Allgalgaduud Media, Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ku Baraarujinaynaa iyagoo ka faa’ideysanaayo Fursadaan Bishaan Barakeysan ee Ramadaan inay muujiyaan Allah ka cabsi badan, isu soo dhawaansho iyo isu qalbi furnaan, lana joojiyo dagaalada dhiigga badan ee macno darada loo daadinayo, laguna dadaalo Nabad kuwada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed loo soo celin lahaa.

Waa in loo gargaaraa dadka tabaaleeysan lana caawiyo,
Waa in laga farxiyaa Masaakiinta, Agoonta aan waxba haysan, lana Afuriyaa, Insha’Allah.

Waxaan Allaah (SWT) ka Baryeynaa inuu na waafajiyo Raxmadiisa iyo Dambi dhaafkiisa ee Bishaan Barakeysan ee Ramadaan. “Aamiin, Aaamiin, Aamiin”

Waxaan kaloo Allah (SWT) ka baryeynaa inuu nabadgelyo iyo Caafimaad nagu gaarsiiyo Ramadaankaan Ramadaankiisa Kale. Insha’Allah “Aamiin, Aamiin Aamiin”

Ramadaan Kariim Dhammaantiin.