FAALLO:- Urur diimeedka AL ISLAAX oo diyaargarow ugu Jira inuu mucaaradka dawladda ka mid noqdo.

0

Sideedaba saan ognahay oo ah wax iska cad Soomaaliya kama jiraan xisbiyo ama ururo ma’baadi isku raacsan ilaa hadda, ee waxaa ka jira siyaasiyiin xukun doon ah oo mabda’aoodu yahay inay xukunka ku guulaystaan ayagoo adeegsanaya qaab qabiil ama qaab kooxeed ( kooxdaas oo aan mabaada’a isku raacsaneyn ee isku raacsan dano shakhsiyadeed inay xukunkaas ku helaan ) iyo dawlado shisheeye.

Madaama aysan jirin mabaadi cad cad oo xag siyaasadeed ama xag dhaqaale, xag nabad galyo iyo guud ahaan xag arrimo bulsho oo ay wataan Siyaasiyiinta waayahaan horboodaya siyaasadda dalka , waxaa marka u furan oo kaliya in ay mucaaradaan dawladda markaas jirta si ay xukunka u gaaraan, muhiimna agtooda kama ahan qaabka ay dawladdaasi ku socoto oo dalkan duruufaysan ku hogaaminayso oo ay la daalaa dhacayso inuu sax yahay iyo in kale ee waxaa u muhiima in dhaliilo jira oo dhici kara iyo kuwo aan jirinba in loo raadiyo dawladaas si meesha ay uga saraan oo ayagu ku fariistaan kursiga.

Aan u soo noqdo Mawduuca qoraalkaygaan Urur Dimeedka AL ISLAAX seey sheegtaan, waa urur ka tirsan Urur weynaha Ikhwaanun Muslimiin, haba ka tirsanaadaan magac ahaan ee ma ay aha xattaa kuwo ku dhaqma mabaadida Ururkaas ee waxay uun la mid yihhin Siyaasiyiinta kale ee xiligaan jirta oo Mabda`oodu uu yahay kaliya xukunka fuula.

Madaama aan saan kor ku soo xusnay ciddii xukunka dooneysaa wadada kaliya oo u furan ay tahay in ay dawladda markaas jirta la mucaarado gar iyo gardarro.

Waxaa baryahaan muuqda in saaxadda mucaaradka xukundoonka ah ay ku soo biirayaan ururka AL ISLAAX oo rajo iyo inay soo nooladaan ay galisey doorashadii Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo ahaa ISLAAXA Punland oo ilaa xad ka madaxbanaan midkii ka jiray MUQDISHO, Waxaanna arkaynaa baryahaan madaxdii AL ISLAAX kuwooda ugu firfircoon oo bilaabay olole ay ugu gogol xaarayaan mucaradnimadooda xukun doonka ah oo ay soo wadaan, waxaad arkaysaa ayagoo si wanaagsan u dhigaya Mucaaradnimada hadda dalka ka jirta in ay tahay mid caadiya oo loo bahanyahay ayadoo aan ognahay in dadka intiisa badani u arkaan in ay tahay mucaaradad wax dumineysa oo uun xukun lagu doonayo, waxaa waayahay gobolka BANAADIR ka socda olole bulshada iyo hay`addaha amnig la isku xirayo si nabada looga wada shaqeeyo, oo hadda ilaa bishaan u danbeeysey miraheedii la arkayo oo bulshadu la shaqaysey hay`addaha amniga taasoo keentay in argagixiso iyo danbiilayaal badan iyo agab badan oo loo adeegsanyey amni darada la soo qabtay , wanaagaas bilowga ah baa Mucaaradkii cabsi galiyey oo meesha waayahaan dawladda jirta laga durayey baa amniga ahayd.

Bulshadii la kicinayey si ay amnigooda ugu istaagaan baad arkaysaa madaxdii ISLAAX oo ku tilmamaysa GUULWADEYN iyo in bulshada la soo saaro oo la hawgaliyo in ay horseedeeyso KALIGII TALISNIMO, waxaan u arkaa kaligi talisnimo Soomaliyadaan hadda jirta inay ka dhalato waa dalka aduunka ugu fog markaan fiirinno dhaqanka dalkeena xiliyadaan ka jira, ee waxaan u arkay nabadgalyada oo ah meesha aadka loogu ololeynayey in dawladaanu gabtay hadey hagaagto amay xukunka ku soo noqdaan oo mar kale la doortaa, taas oo ay ka baqeen baa bulshada kaligi talisnimo looga dhigayaa, waxaan leenahay siyaasiyiinta fadlan marin habaabinta raqiiska ah ka daaya bulshada oo la imaada mabaadi cad cad oo aad rabtaan dalka xaalkiisa inaan wax ugu badashaan, muujiyana inaad dhaami doontaan midda hadda jirta ee xukun ha ku raadinina wax dib u celi saad xukunka u fuushaan ,waa kuwaas qolyihii lagu tuhmayey Diinta saas inay u dhaqmayaan noo muuqato bal ka warama kuwa kalena.

Waxgradka Soomaaliyeed oo aan siyaasadda dan gaara ka lahay amusnaantooda yaan loo qaadan inaynaysan garaneyn waxaad soo wadaan ama ku jirtaan , Inshaa Allaah waan u ifinaynaa bulshada siyaasadihiina ma dhalayska ah oo uun mar un kursiga ku fariista ku salaysan , oo aad rabtaan bulshdeenaan dhibaataysan inaad ku jihawareerisaan .

Wixii aduunkeena iyo Aakhiradeena u roon Ilaahay ha nawaafajiyo .

W/Q. Cabdi Yare
haisraacdo91@gmail.com