Xildhibaan Ka Tirsan Barlamanka Soomaaliya Oo Lagu Dilay Muqdisho

0

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Goordhow waxa ay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Xildihaab ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah sheegay in dilka uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmadaasi,isla markaana loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cilmi Boqore,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa oo watay gaari ay goobta si deg deg ah uga baxsadeen.