Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro xoogan oo Al Shabaab xalay ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarka koowaad ayaa waxaa Al Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Buulofoolyo oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolkaasi.
Sidoo kale Al Shabaab ayaa weeraray saldhigyo kale oo ay Ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin deegaanada Arbacow iyo Calamada ee duleedka M/ Muqdisho.
Lama oga inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay weeraradaasi oo ahaa kuwa is xig xigay.