Darawal Mooto Bajaaj Oo Lagu Dilay Muqdisho

0

War Goordhow naga soo gaaray Isgoyska Howlawaag ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi Askari ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya uu ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilkan uu yimid kadib markii Askariga uu darawalka Mootoolaha uu ka dalbaday in uu qaado,hayeeshee uu diiday,kadibna dhowr xabadood ku ku dhuftay,isla goobtiina uu ku geeriyooday Darawalkii Mooto bajaajlaha ahaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga dilka u dhacayay ku sugaa meel ku dhow Isgoyska ayaa tegay  goobta,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka Darawalka Mooto Bajaajta waday.