Xildhibaanada Golaha Shacbaka Federaalka ah oo Maanta dood adag ka yeeshay Xeer Maamul Xulida Guddiga Agaasinka Bankiga Dhexe ayaa Maanta ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay xeerkaas.
158 Xildhibaan ayaa ogolaaday ansixinta Xeerkaas,waxaa diiday 17 X ildhibaan,mana jirin Xildhibaano ka aamusay.
Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay Xeer Maamul Xulida Guddiga Agaasinka Bankiga Dhexe.