Madaxweynihii Hore Ee Puntland oo La Dardaarmay Shacabka, Ciidanka iyo Geleyaasha Dowladda.

0

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 09 January 2019 la dardaarmay shacabka Puntland, Ciidanka Qalabka sida iyo masuuliyiinta Goleyaasha dowladda Puntland.

“Waxaan rabaa inaan u sheego shacab weynaha reer Puntland inay dowladdoodaa cusub oo sida farxaddale oo wanaagsan ugu dhalatay usoo dhoweeyaan si qalbi furan iyo dowladnimo lagu soo dhoweeyo, waxay u baahan yihiin taageeradeena, waxay u baahan yihiin ducadeena, waxay u baahan yihiin inaan garab istaagno’’ ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland.

“Puntland waa mid, ma kala laha gobol, Makala laha reer, ma kala laha degaan, Puntland wa amid inagoo mid ah oo meel u wada jeedna ayaaynu gaadhi karnaa guusheena iyo horumarkeena iyo wada jirkeena” ayuu yiri Madaxweynihii dowladda Puntland.

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si gaara ugu adkeeyey ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland inay la shaqeeyaan dowladdooda, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee difaacidda dalkooda iyo shacabkoodaba.

“Ciidamada qalabka sida ee Puntland meel kasta oo ay joogaanba waxaan rabnaa inay u qabsadaan hawshoodii sidii ay u wateen oo ah inay ilaaliyaan dalka inay difaacaan xuduudahooda, in ay qaranka u shaqeeyaan, reer ma aha, qabiil ma aha, waa askari u dhaartay inuu u dhinto dalkiisa, difaaco dadkiisa iyo dalkiisaba” ayuu yiri Madaxweynuhu

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si dhow fariin ugu diray shaqaalaha Puntland iyo masuuliyiinta geleyaasha dowladda Puntland.

“Shaqaalaha dowladda Puntland ma aha shaqaale gobol, shaqaale reerna ma aha, waa shaqaale Puntland weeye, dalka ayaan u wada shaqeynaa dhammaanteen, wax la yirahdo kala guur ma jiro, kala wareeg ma jiro, isbedel dowli ah oo wanaagsan oo si fiican u dhashay baa dalkeena ka dhaashay saa in loo arkaan rabnaa, Madaxda cusub ugu soo dhoweyno, kuwii hore u joogeyna lagu sii sagootiyo, si dhab ah ula shaqeeya dawladdiina” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey inuu la shaqayndoono dowladda cusub ee Dr. Saciid Cabdullahi Deni, isla markaana waxa uu qeexay Madaxweynuhu inuu diyaar u yahay wax kasta oo Puntland iyo shacabkeedu ugu baahdaan ka shaqsi ahaan.

“Aniguna ka Madaxweyne ahaan waxaan rabaa inaan si dhow oo mug leh ula shaqeeyo Madaxweynaha cusub, wixii fekerkayga ah oo wanaagsna aan siiyo, talo waaya aragnimo shantiisano aan meeshan ka shaqaynayey aan ka korodh sadayna waxaan rabaa inaan si wanaagsan ugu biiriyo, in kastoo aan ku kalsoonahay in Madaxweynuhu shaqadiisa si wanaagsan u gudan karo, shacabkana u hogaamin karo ” ayuu yiri Madaxweynuhu

Ugu danbayn, Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qeexay dowladnimada, isla markaana xusay inaan u baahanahay midnimo iyo wada jir.

“ Midnimaan u baahanahay, wada jir baan u baahanahay iyo in aad Madaxweynihii ku kalsoonaataan sida aad u doorateen, ciidamada gaar ahaan waxaan rabaa inaan ku adkeeyo inay u midoobaan difaaca dalka iyo dadkooda ay u dhaarteen” ayuu yiri Madaxweynihii hore Puntland.