Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Somalia, ahna Sarkaalka sii wada shaqada Xafiiska QM ee Taageeradda Hawlgalka Somalia ee UNSOM, Raysdoon Zenenga waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Cuusb ee Maamulka Puntland, Saciid C/llaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa, Axmed Cilmi Karaash, kuwaasi oo ay Xildhibaanadda Barlamaanka Puntland shalay doorteen.
War-saxaafadeed uu soo saaray Raysdoon Zenenga waxa kale oo uu Guddiga Doorashadda Puntland ku bogaadiyey qaabka ay u maamuleen Doorashaddaasi, oo ku dhacday si daah-furan madax bannaan oo caddaalad leh.
Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Somalia, ahna Sarkaalka sii wada shaqada Xafiiska QM ee Taageeradda Hawlgalka Somalia ee UNSOM, Raysdoon Zenenga waxa uu Qoraalkisia ku sheegay inay UNSOM si dhow ula shaqeyn doonaan Maamulka Madaxweynaha Puntland, Saciid C/llaahi Deni.