Wasiirka gaashaandhigga UK, Gavin Williamson, ayaa tiray qoraal uu soo dhigay twitter-ka oo uu Somaliland ugu yeeray dal, wuxuuna soo dhigay qoraal kale.
Wasiirka oo axaddii booqday magaalada Hargeysa ayaa maanta bartiisa twitter-ka soo dhigay Isniintii qoraal uu ku yiri “Waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si aan ugala hadlo xoojinta xiriirka labadeena waddan. Waxaan sidoo kale fursad u yeeshay inaan arko shaqada qaar ka mid ah ciidamadeena ay ka wadaan Somaliland”
Si kastaba saddex saac kadib wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sameeyey is-beddel wuxuuna ka saaray meeshii uu ku yiri labadeena waddan.
Qoraalka markii hore abuuray tuhun ku saabsan in UK ay Somaliland dal ahaan u aqoonsatay, ayaa waxaa hadda muuqata inuu ahaa qalad xagga faham la’aanta xaaladda taagan ah.