Fiidnimadii xalay ayaa rag hubeysan waxa ay degmada Wartanabada ee Gobolkan Banaadir ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmadaas kaas oo lagu Magacaabi jiray Abuukar Ibraahim Yuusuf Abuukey.
Guddoomiye Waaxeedka la dilay ayaa madax ka ahaa laanta Saddexaad ee Janaraal Daa’uud,iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay baxsadeen.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaas,iyaga oo sheegay inay dileen sarkaal ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Guddoomiye Waaxeed ka mid ahaa mas’uuliyiinta Maamulka degmada Wartanabada.