Cali Gacal Casir guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo-Daareed) oo lagu doortay magaalada Garoowe ee xarunta caasimadda puntland.
Guddoomiye Casir ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday doorashadan, kuna bogaadiyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi.
Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in uu la shaqeyn doono, islamarkaana uu garab taagnaan doono guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.
Ugu dameyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu baaqay guddoomiyaha cusub ee la doortay in uu ka shaqeeyo horumarka Baarlamaanka Puntland iyo doorashada Madaxweyne ee la filayo in dhawaan ay ka dhacdo puntland taasi si weyn loo sugayo.