DHAGEYSO+SAWIRRO:-Jubbaland Oo Ciidamo Hor Leh Geysay Jiida Hore Ee Dagaalka

0

Maalmihii la soo dhaafay deegaanada Dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ka socday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada Jubbaland kaas oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaanada ka maqan gacanta Maamulkaas

Maamulka Jubaland ayaa waxa uu jiida hore ee dagaalka ee degmada Afmadoow waxa ay geeyeen Ciidamo farabadan oo ka tirsan Jubbaland kuwaas oo diyaarado looga qaaday Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha howlgalka xoreynta Gobolka Jubbada Dhexe G/Sare Axmed Jaamac Salaad oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadaas ay ka qeb qaadan doonaan xoreynta deegaanada ka maqan Gacanta Jubbaland oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.