Booliska magaalada Manchester ayaa sheegay in weerar mindi loo adeegsaday oo uu ku dhaawacay askari iyo labo ruux oo rakaab ah nin ku dhowaaqayay “Allahu Akbar” inuu ahaa fal argagaxiso.
Ciidamo ka tirsan qeybta la dagaalanka argagaxisada ayaa baaritaan ku sameeyay guriga qofka la tuhunsan yahay inuu weerarka geystey kaasoo ku yaal deegaanka Cheetham Hill ee magaalada Manchester.
Dad deris la ah guriga ay ciidamadu baaritaanku ku sameeyeen ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in gurigaa inuu hoy u ahaa qoys Soomaaliyeed oo ka soo guuray dalka Holland 12 sano kahor kana kooban aabe,hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhaleen.
Nousha Babaakachel oo deris la ah guriga ay ciidamada la dagaalanka argagaxisada baaritaanka ku sameeyeen ayaa waxa ay sheegtay in qoyska guriga degenaa ay ka koobnaayeen labo wiil oo Jaamacad dhigata iyo wiil kale oo ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Manchester Airport halka wiilka ugu yarna uu dib ugu laabtay Soomaaliya, sidoo kale waxa ay sheegtay Nousha in qoysku hal gabarna ay ka mid tahay.
Haweeneydan ayaa sidoo kale u sheegtay warbaahinta in aabaha iyo hooyada qoyska ay marwalba ku tukan jireen masjid ku yaal halka ay degen yihiin.
Dhammaan dadkii ku noolaa gurigaa ayaa ciidamada la dagaalanka argagaxisada ka soo kaxeeyeen iyadoo su’aalo la weydiinayo.
Muuqaalo video ah oo la soo bandhigey ayaa waxaa ka muuqanayay shan askari oo dhulka ku haya qofkii weerarka geystey iyo iyadoo gaari la saarayo qofka mindida wax ku weeraray isagoo ku dhowaaqayay “Allahu Akbar” iyo ereyo kale oo lagu ammaanayo ururka Daacish.
Hase yeeshee sida ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters Booliska dalka Britain ayaa ka shaki qaba in qofka weerarka geystey uu yahay qof aan dhimirkiisu taam ahayn.
Weerarkan oo dhacay habeenimadii sanadka cusub uu soo galayay ayaa waxaa qaaday nin 25 jir ah kaasoo isku dayay inuu dad ku dilo halka laga raaco tareenada ee Victoria kuna taal magaalada Manchester.
Labo mindi ayaa laga helay goobta uu weerarku ka dhacay,saddex ruux oo ku dhaawacantay weerarkan ayaa la dhigey isbitaalka iyadoo dhaawacooda lagu tilmaamay kuwo halis ah balse aan nolosha dhibanayaasha aysan qatar ku ahayn.