Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa galabta gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Ujeedka Wafdigan ka socda Dowladda Federaalka ayaa wuxuu yahay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud iyo deegaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayo ayaa ku hormaraya degmada Gelisoor,iyagoona uga sii gudbaya deegaanka Kaxandhaale si ay u qeyb kaga qaataan joojinta colaadda halkaas ka taagan.