Dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa hada ka soconaya deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud.
Hubka noocyadiisa kala duwan ayay isku adeegsanayaan maleeshiyaadka.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalka.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud.
Deegaanka Kaxandhaale ayaa dhowr Mar waxaa ku dagaalamay maleeshiyaadka maanta dagaal ku dhexmaraya deegaankaasi.