Muwaadin Soomaaliyed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

0

Habeenimadii xalay aheyd ayaa Koox Burcad Koonfur Afrikan ah waxa ay Gudaha dalka Koonfur Afrika ku dishay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka dalkaasi ku Ganacsada.

Kooxda Burcada ah ayaa muwaadinka Soomaaliyeed Allaha u naxariistee oo lagu Magacaabi jiray Bashiir Abuukar Maxamuud waxa ay ugu tageen kuna dileen goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Deegaanka Qamata.

Mid ka mid ah dadka Soomaalida ah ee dalkaasi Koonfur Afrika ku Ganacsada ayaa waxa uu sheegay in dilka kadib kooxdii Burcada aheyd ay goobta isaga baxsadeen,hayeeshee ay baaritaano sameeyeen Ciidamada Booliska dalkaas wallow aysan qaban kooxdii dilka geysatay.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee xalay lagu dilay dalka koonfur Afrika ayaa mudo bil kahor fasax u ku yimid MUqdisho dib ugu laabtay dalkaas oo uu ku noolaa mudo ka badan 10-Sanno sida ay sheegeen Eheladiisa.