Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in nin hubeysan uu dil ka geystay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.
Dilka ayaa ka dhacay Maqaaxi ku taalla gudaha degmadaasi, kadib markii uu weerar ku soo qaaday nin ku hubeysan Qoray AK47, kaas oo dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Sharmaake Sahal Khaliif.
Marxuumka la dilay ayaa ahaa wade Mooto Bajaajle ah, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ninkii ka dambeeyay dilkaasi uu goobta isaga baxsaday.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ninkani hubeysan uuu a tirsanaa Kooxda Al Shabaab.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Ceelwaaq oo ku aadan dilkaasi.