Qarax kale oo weyn ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho wax ka yar 30 daqiiqo markii qarax gaari uu ka dhacay afaafka hore ee Tiyaartarka Qaranka, qaraxan dambe oo aan ka fogeyn kii hore lama oga sababta iyo qaabta ay wax u dhaceen.
Qaraxa hore ee Tiyaatarka ka dhacay ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof halka hay’adaha gargaarka ay sheegeen inay Tiyaatarka ka qaadeen ugu yaraan 30 qof, oo dhimasho iyo dhaawac isoogu jira weli waxaa socda bad baadinta dadka dhibaatadu ka soo gaadhay qaraxa mashquul badan ayaa xiligan goobta ka socda