ku dhawaad 81 Howlwadeenno Caafimaad ah ayaa ka mid noqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya kuwaasi oo si Mutadacnimo ah ugu mid noqday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Dhalinyaradaani ayaa isugu jira Kalkaaliyaal,Sheebaaristayaal,iyo Dhaqaatiir kuwaasi ayaa si mutadawacnimo ah ugu biiray ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya
Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka Xukumada Soomaaliya Maxamed Saciid oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe iyo Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka qeyb galay Munaasabad tababar loogu soo xerayay dhalinyaradaani.
Madaxa Hogaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhaxe Mahad Cabdullahi Shiine iyo General Xasan Mahdi Madaxa Hogaanka Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in dhalinyaradaani maanta tababar uu u dhamaaday ay ka mid yihiin dhalinyaro baratay Culuumta Caafimaadka isla Markaana ka mid noqday Ciidanka Xoogga Dalka.
Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka general Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Dhaqaatiirta Maanta uu u dhamaaday tababarka ciidan ay ka howlgali doonaan dhamaan gobolada dal halkaasi oo ay ka socdaan howlgalada dalka looga xureynayo nabadiidka Al-shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe waxa uu sheegay in Ardayda Aqoon yahanada ah in ay u Abuuri doonaan Fursado Shaqo Ah
Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka Xukumada Soomaaliya Maxamed Saciid Cabdullahi ayaa tilmaamay wasaarada Caafimaadka ay ka howlgali doonto Goobaha Cadowga Al-shabaab laga xureeyo