Taliyihii hore ee ciidamada difaaca Puntland General Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa soo dhoweyn aan horay loo arag loogu sameeyey magaalada Garoowe ee caasiamdda Puntland.
General Siciid Dheere oo kumanaan kamid ah taageerayaashiisa kula hadlay barxadda weyn ee magaalada Garoowe ayaa jeediyey khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlayey xaaladaha guud ee Puntland iyo doorashada.