War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweyne Gaas iyo Golihiisa wasiirada ayaa waxaa ay kaga hadleen doorashii maalmo ka hor ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.
Sidoo kale Waxaa shirka lagu falanqeeyay doorashada ku soo wajahan Maamulka Puntland, iyo sidii looga diyaar garowe lahaa doorashada la filayo in ay ka dhacday deegaanada maamaulka Puntland.
Doorashada ka dhacday Dowlad Gobaleedka koofur galbeed ayaa waxaa ay Golaha Wasiirada Puntlad ku tilmaameen in ay aheyd mid la fara geliyay, islamarkaana waxaa ay eedeyn u jeediyeen dowlada dhexe ee soomaaliya.