Madaxweyne Gaas Oo Garoowe Kaga Dhawaaqay In Uu Yahay Musharax Madaxweynaha Puntland

0

Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa sii dhamaaneyso ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tagaan qabashada xilka Madaxweynaha Puntland.

Munaasabad loogu qabtay Magalada Garoowe ayuu Maanta ku shaaciyay in markale uu yahay musharax Madaxweynaha Puntland,waxana uu sidoo kale soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay intii uu xilka haayay.

Gaas ayaa Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland waxa uu qabtay 8 bishii Koowaad ee Sanadkii 2014,waxa uuna Xilkaasi hayaa Mudo 5 sano ah.