Hogaamiyaha Jubaland oo Kulan magaalada Gaarisa kula qaatay hoggaamiyayaasha Gaarisa.

0

Hogaamiyaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe),ayaa kulan  magaalada Gaarisa kula qaatay hoggaamiyayaasha maamulka Gobolka Gaarisa.

Wargeyska Dailynation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa baahiyay in Axmed Madoobe uu Gaarisa u tagay sidii uu taageere uga raadsan lahaa hoggaamiyayaasha Gaarisa maaddaama doorasho ay ku soo wajahantahay Jubaland.

Waxaa uu Wargeysku intaas ku daray in inta badan uu Gaarisa kula kulmay hoggaamiyayaasha Gobolka ee ay isku beesha yihiin si ay uga qeybqaataan ololaha dib u doorashadiisa.

Nabaddoon Cismaan Ibraahim oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Gaarisa ayaa xaqiijiyay in uu isagu ka mid ahaa dadkii la kulmay Axmed Madoobe hase ahaatee waxaa uu ka gaabsaday in uu kala hadlay arrimaha doorashada Jubaland iyo in kale.

Sawirrada Nabaddoon Ibraahim iyo Axmed Madoobe,ayaa aad loo soo geliyay baraha bulshada,maaddaama kulanka uu mid aan warbaahinta lalala wadaagin