Nin Somali ah ayaa waxa bishan December 13-dii lagu qabtay magaalladda Baari ee Koonfurta dalka Talyaaniga, kadib, markii ay Ciiddanka Khaaska ee La-dagaalanka Maafiyadda iyo Argagixisadda e edalka Talyaaniga ee loo yaqaano DDA ka duubeen Cod Telefoon isagoo dad kale la hadlayey, kuna baaqayey in miinooyin lagu wada xiro Kaniisadaha ku yaalla dalkaasi.
Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA waxay galabta qortay in Ninka Soomaaliga laga duubay Codad ay ka mid ahaayeen isagoo oranaya: “ Aan bambooyin ku beerno dhamaan Kaniisadaha ku yaalla Talyaaniga Hakee ayey u taalla Kaniisadda ugu weyn. Ma waxay ku taalla gudaha magaalladda Rome”.
Eedeysanaha oo 20-jir ah waxaa la qabtay bishan 13-dii, xilli uu doonayey inuu ka baxsado magaalladda Baari.
Eedeysanahaasi Soomaali oo aan magaciisa iyo muuqaalkiisa weli aan la soo bandhigin waxay Ciiddanka Khaaska ee Boliska magaalladda Baari (DIGOS Special Security Police) rumeysan yihiin inuu xiriir la leeyahay Kooxda Daacish-ta ku sugan Somalia, isla markaana uu la xiriiri jirey mid ka mid ah Unugyadda Hawlgalka ee Daacish.