DHAGEYSO:-Barakacayaasha xerada Saatu ee Kismaayo oo codsatay daryeel caafimaad

0

Xerada barakacayaasha Saatu oo ay deggan yihiin dadka ugu badan ee kasoo barakacay deegaanka Saatu ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa ku taalla xaafadda shaqaalaha gaar ahaan waaxda Xillaac, waxaana ku nool ugu yaraan ilaa 330 qoys.

Xeradaan ayaa la hirgaliyay 2-sano ka hor, dadka barakacayaasha ah ee deggan xeradaan ayaa markii hore ahaa beeralay iyo xoolo dhaqato, hantidoodii waxay ku waayeen abaarahii sanadkii 2016-kii ku dhuftay guud ahaan dalka.