SAWIRRO:-Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka oo shir looga hadlayay arrimaha Garsoorka uga qeyb galay Istanbul

0

Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gabagabeeyay shir ay isugu yimaadeen dhammaan madaxda Maxkamaddaha Sare iyo Dastuurka ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirkan oo diirada lagu saaray marxaladaha garsoorka dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa Soomaaliya waxaa uga qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Shirka ayaa waxaa lagu dhisay madal kulmin doonta Maxkamaddahan,sidoo kale waxa ka soo baxay war-murtiyeed diirada lagu saaray arrimiha sida weyn shirka looga hadlay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo shalay khudbad ka jeediyay shirka ayaa si faah faahsan uga hadlay marxaladaha uu Garsoorka Soomaaliya soo maray, sida uu u soo kabanaayo.

Sidoo kale,Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka ayaa xusay halka uu hiigsanaayo hannaanka caddaalda iyo Garsoorka