SAWIRO:- Taliyaha Ciidanka Badda Somaaliya oo kormeer sameyeey

0

Taliyaha Ciidanka Booliska S/gaas Bashir Abdi Maxamed “Ameeriko” ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekada Muqdisho iyo Garoonka Kubada Cagta Koonis.

Taliyaha oo ay weheliyaan ku xigeenada Ciidanka Booliska ayaa ugu horayn Taliyuhu wuxuu soo kormeeray Dekada Muqdisho asagaa warbixino ka dhagaystay Ciidanka Booliska badda kuwaas oo qaabilsan badbaadinta shacabka iyo hantidaba ayagoo soo badbaadiya wixii bada ku dhaca sidoo kalena leh dhamaan doonyaha iyo qalabkii lagu soo badbaadin lahaa,

Taliyaha oo kormeerkiisa sii wada ayaa wuxuu soo kormeeray Garoonka Kubada Cagta Koonis halkaas oo loogu diyaar garoobaayo dabaal dega sanad guurada 75,aad ee aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Taliyaha iyo taliyexigeenada iyo saraakiil kale waxay nasiino iyo indho indho ku soo qaateen xeebta liido taas oo ka turjumaysa nabad iyo xasiloonida ay shacabkoodu la qaadanayaan.