Wargeyska Foreign Policy ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu maanta qoray Warbixin dheer oo uu ku lafaguray Caddowtooyadda ay Sacuudiga iyo Imaaraadka u muujinayaan Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo ah Labada Haween ee Muslimka ee ku guuleystay inay ka mid noqdaan Kongareeska Maraykanka.
Wargeyska waxa uu Maqaalkiisa hal-ku-dheg uga dhigay: Sacuudi Careebiya oo caddeysay Dgaal ka dhan Haweenka Muslimiinta ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka.
Wargeyska waxa uu qoray in Warbaahinta, Aqoonyahanadda iyo Faallo-qorayaasha xiriirka dhow la leh Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay ku celceliyeen Eedeymaha ay u jeedinayaan Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Cabdul Al-sayid, kaasi oo ku guul-daraystay inuu Guddoomiye ka noqdo Gobalka Michigan ee dalka Maraykanka, waxayna ku eedeeyaan inay yihiin xubno qarsoon oo ka tirsan Ururka Akhwaanul-muslimiinka oo caddow ku ah Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Axaddii la soo dhaafay, Warbaahinta Alarabiya ee ay dowladda Sacuudiga leedahay waxay daabaceen Maqaal dheer oo ay ku sheegeen inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib qeyb ka yihiin Isbahaysi u dhexeeya Xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka iyo Kooxaha Islaamiyiinta ee kontoroola ama maamula Kongareeska, waa sida ay Alarabiya qortay.
Maqaalka waxa uu ku eedeeyey inay Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib yihiin 2 qof oo ka soo horjeeda Madaxweyne Trump, Kooxiisa Siyaasadda iyo Ficiladooda, gaar ahaan Siyaasadiisa Dibedda ee ka bilaabanaysa Cunaqabataynta Iiraan ilaa go’doominta Ururka Akhwaanul-muslimiinka iyo dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda Islaamka Siyaasadaysan.