Ciidamada Xoogga iyokuwa Ajaanib ah ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeenDagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku taala Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Deegaanka uu howlgalka qorsheysan ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Basra oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Xoogga ay bartilmaameydsadeen Saraakiil iyo dagaalamayaal Shabaab ah oo ku sugnaa Deegaanka Basra, halkaasi lagu dilay, kuwa Kalana Nolasha ku qabtay.
Xubnaha la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Sarkaalkii ka talinayay Deegaanka Basra, kaasi oo lagu Magacaabi jiray Macalin Daahir.
Ilaa iyo hada lama oga tirada rasmiga ah ee laga dilay, Al-Shabaab.
Mana jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidanka Xoogga.